Dowlada Dowlada Galmudug oo Ansixisay Sharciyo Muhiim ah +Sawirro

Xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado waxaa xalay ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee Khamiis walba yeelan jireen Golaha Wasiirada dowlada Galmudug waxaana kulankaan shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Intii uu shirkaasi socday ayaa waxa ay Golaha Wasiirada dowlad Galmudug ka doodeen sedex qodob oo kala ah.

1- Xeerka Garsoorka

2- Xeerka Shaqada Iyo Shaqaalaha

3- Dhismaha Wasaarada Maaliyadda

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Galmudug Mudane.Shugri Sheikh Cali ayaa soo bandhigay muhiimada ay leedahay hirgalinta Xeerka Garsoorka, waxuuna Wasirka soo bandhigay shaxda Xeerka Garsoorka Galmudug oo ay ugu horeyso sidii loo heli lahaa Gudiga Golaha Garsoorka Galmudug iyo Hirgalinta Maxkamadaha Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa isna soo bandhigay Qorshaha dhismaha Wasaarada Maaliyada oo ka kooban 8 qodob oo ah habka ay Hay’ada wasaarada Maaliyada ku shaqeyn lahayd iyo haykalka Wasaarada ay ku leedahay Abuurista illo Dhaqaale oo ay ugu horeeya an Dejinta xeerarka canshuuraadka sida Hanti dhowrka Canshuuraadka Maamulada, Daqliga Dowlada Diyaarinta Miisaaniyadda.

Si kastaba ha ahaatee saddexda qodob ee laga dooday ayaa hoos imaanaya saddexda Wasaaradood ee kala ah Wasaarada Cadaalada Iyo Garsoorka, Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.

WASIIRADA_GALMUDUG-1 WASIIRADA_GALMUDUG-2 WASIIRADA_GALMUDUG-3 WASIIRADA_GALMUDUG-4 WASIIRADA_GALMUDUG-5 WASIIRADA_GALMUDUG-6

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook