Dowladda Federaalka Soomaaliya oo toddobaadkan qabandoonto kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wadatashiga ee lagu ballansanaa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kulamo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulamadan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka heshiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook