Faah faahin Qaraxii Ismiidaamin Ee Ka dhacay Maqaayada Village Muqdisho

Qarax Xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Maanta Barqadii Maqaayad ku taalla Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla Baarka Village Ee Ku taalla Degmada Xamar Weyne waxaana ku dhintay baa la yiri kudhawaad 4 qof uu ku jiro ninkii is qarxiyey.

Sargaal katirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu saxaafada usheegay in Qaraxa uu fuliyey nin sitay Suudka Labiska,kadibna uu soo fariistay Maqaayada wax yar kadibna uu is miidaamiyey.

Weerarkaan ayaa ka dhigan kii seddexaad ee lagu Qaado Maqaayada The Village oo ku taalla Kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook