Faah Faahin Qaraxii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho+ sawirro

Nin ka shaqeeya Dekada Magaalada Muqdisho oo magaciisa lagu soo koobay Jaarlees, ayaa saaka lagu qarxiyay Xaafada Maanabooliyo Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Jaarlees Qaraxa waxaa ka soo gaaray dhaawac aanan sidaasi u buurneyn, kadib markii uu Baabuurka ka dagay ka hor inta uusan qarxin baabuurka.

Labo ruux ayaa ku dhaawacantay oo shacab ahaa oo wadada dhinaceeda maraayay, xilliga Qaraxa Baabuurka uu dhacaayay ayaa waxa ay aheyd aroor hore oo jugta qaraxa si weyn ayaa looga maqlay Degmooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama Jawiga uu ahaa mid degan.

Sawiro laga soo qaaday Baabuurka la qarxiyay ayaa muujinaayay in baabuurka si xun uu qaraxa u saameeyay, islamarkaana gabi ahaanba baabuurka uu u ekaaday wax gubtay.

Qaraxyada Gaadiidka la isugu xiro oo dadka Dowladda u shaqeeya lagu dhibaateeyo, ayaa si aad ah ugu badan Magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka Dowladda ayaa sheegay inay qaadayaan howlgalo lagu sugaayo ammaanka Magaalada Muqdisho oo guri guri loogu baarayo Xaafadaha Magaalada.

shib_1 shib_2 shib_3 shib_4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook