Faarax Macalin XASAN Sheekh iyo madaxda Soomalida kale waxaa maamulo wiil-yar oo xabashi ah GABRA +Video

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo hadal ka jeediyey Munaasibad Lagu soo dhoweeyay madaxwaynaha maamulka Galmudug ayaa ka yaabsaday Bulshada Soomaaliyeed, Isagoona ka sheekeeyay sida uu dalka u maamulo GABRE oo ah wiil-yar oo Xabashi ah.

“Xasan sheekh iyo Shan boqol oo madaxda Soomaalida kamid ah, ayaa waxaa Farta ugu yeedhaya Wiil-yar oo Xabashi ah, oo meesha uu doono ayuuu u ka xaynayaa, Niyadii ayaa laga dhigtay oo waa la is-dhiibay” ayuu yidhi.

Wuxuu hadalkiisa Raaciyey Faarax Macalin “Dhiig Soomaali baan leeyahay, oo Soomaali Baan ahay, Anigu meesha aan joogo (Kenya) inaan Sharaf ku noolaado ayaan rabaa, Kaas aan isku dhiigana nahay ee Soomaaliyeedna inuu sharaf ku Nolaado ayaan Rabaa” ayuu yidhi Faarax.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook