Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maanta la dooranayo

Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lagu doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed iyo Kuxigeenadiisa.

Munaasabad lagu dooranayo Afhayeenka Golaha Wakiilada Koofur Galbeed iyo Labadiisa ku Xigeen ayaa qaban qaabadeedu ay ka socotaa Madaxtooyada Mamaulka Koofur Galbeed,iyadoo Shalay Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiye iyo kuxigeenada ay jeediyeen Qudbadooda dhanka Wax qabadka ah.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo Adkeeyay,waxaana Magaalada lagu Arkayaa Ciidamo badan oo Wadooyinka Jooga.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo Doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa tiro ahaan gaaraya 144 Xildhibaan,kuwaas oo dhawaan la soo dhameystiray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook