Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Kuxigeenkiisa Labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa goor dhaw ka tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada ku weheliya Socdaalka uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca iyo Bulshada ku nool Magaaladaasi.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta Degmada Magaalada Dhuusamareeb,halkaa oo la filayo in ay kulamo kula qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook