Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo la Doortay

dhowrkii maamlmood ee aan soo dhaafney waxaa magaalada Beydhabo ka socday u diyaar garowga doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya , kaas oo ugu dambey maanta uu ku guuleystay Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye oo ay guushu ku raacday wareegga kowaad ee doorashada Guddoomiyaha baarlamaana Koonfur Galbeed kadib markii uu helay 109 cod halka Cali xasan helay 33 cod.

Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed oo guud ahaan ka kooban 149 ayaa waxaa ay waxaa joogay ilaa 144 mudane. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka gala xarunta doorashada lagu qabanayo la dhigay ciidamo badan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook