Gudoomiye Cabdi qani Saciid Carab oo loo doortay Hogaamiyaha Sanadka qaarada Africa 2015

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cabdiqani Siciid Carab ayaa guul wayn u soo hooyey Soomaaliya, kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta sanadlaha ah ee ururka kubadda cagta qaaradda Afrika.

Abaal-marinta oo guddoomiye C/qani Siciid lagu guddoonsiiyey munaasabad ka dhacday magaalada Abuja ayaa ah abaal-marinta hoggaamiyaha sanadka kubadda cagta Afrika ee sanadkii dhammaaday 2015.

Mudane C/qani Siciid Carab ayaa abaal-marintan la guddoonsiiyey markii lagu qiimeeyey wax qabadkii isboortiga ee uu sameeyey sanadkii dhammaaday iyo sare u qaadidii ciyaaraha dalka.

Guddoomiye C/qani ayaa si wayn uga mahad celiyey abaal-marintan sanadlaha ah ee uu ka guddoomay ururka kubadda cagta qaaradda Afrika.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook