Gudoomiye Jawaari oo 4 Arrin darteed u tegay Dh/Mareeb

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo ay wehliyaan qaar kamid ah xildhibaanada qaranka ayaa Gaaray magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay magaalada iyadoo ciidamo ka socda Ahlu Sunna Waljamaca iyo kuwa Itoobiyaan ah lagu daadiyay gudaha iyo daafaha magaalada.

Hadaba Warbaahinta Wardoon.net ayaa haleysa xog ku aadan sababta uu gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya utagay magaalada Dhuuso-mareeb.

1- In lasoo celiyo Xariirkii dowlada iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

2 – Booqashadan ayaa sidoo kale hordhac u ah kulamo ay DF garwadeen ka tahay oo dhexmaraya Ahlu Sunna iyo  Galmudug State.

3- Xog kale ayaa sheegeysa in gudoomiyaha uu isku dayayo in Madaxda Ahlu Sunna uu keeno magaalada Muqdisho

4- In Amaanka guud ee ee Dhuuso-mareeb lagu wareejiyo ciidamada dowlada ee dhawaan gaaray duleedka magaalada.

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa la filayaa iney qeyb ka ahaadan qorshaha lagu doonayo in xal looga gaaro arnta Ahlu Sunna Waljamaaca, DF iyo Galmudug State ka dhex taagan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Gudoomiye Jawaari oo 4 Arrin darteed u tegay Dh/Mareeb”

  1. mohamed sulub says:

    Arintasi sax ma’ah siyasada runta ah wa mid qarson,wase so bixi donta,dad badan oo mar hore ku heshiyey waxyabo khaldan aya hader waxa bilowday in aay kala haran ama kala fogadan,tasina waxay markhati katahay waxa meshan manta kamuuqada ama kadhacaya,arimaha isdiidan ama isbadalaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook