Iraan oo ku dhawaaqday mowqifkeeda ku aadan go’aankii kasoo baxay dalka Sacuudiga

Dowlada Iraan ayaa goordhow ku dhawaaqday in diblumaasiyiinteeda ay kala soo baxeyso Dalka Sacuudiga waxa ayna sidoo kale shacabkeeda ugu baaqday inay dib ugu soo laabtaan Iraan.

Steffen Seibert oo u hadlay dalka Iraan ayaa sheegay in Dowladiisu ay ansixisay in Diblumaasiyiintooda iyo shacabkoodaba ay kala soo baxayaan Dalka Sacuudiga waxa uuna sheegay in Go’aankaasi uu yahay mid xukuumi ah.

Steffen Seibert waxa uu sheegay in diyaarad gaar ah ay u dirayaan Diblumaasiyiintooda ku sugan dalka Sacuudiga islamarkaana ilaa iyo amar danbe ay sii xirnaan doonto safaarada ay ku leeyihiin dalka Sacuudiga.

”Waxaan wadnaa diyaargarowgii ugu danbeeyay oo aan kula soo bixi laheynay Diblumaasiyiinteena ku sugan dalka Sacuudiga, waxaan jarnay xiriirkii nagala dhexeeyay Sacuudiga waxaan sidoo kale shacabkeena ugu baaqeynaa inay kasoo baxaan dalkaasi haddii uu arinku sii xumaado”

“Diblomaasiyiinta Jamhuuriga Islaamiga ah ee Iran, ayaa waxay haystaan muddo 48 saac inay Sacuudi Carabiya uga baxaan, hadana waxaa ka soo wareegatay muddo kooban.” ayuu yiri Steffen Seibert.

Khilaafka xoogan ee Sacuudiga kala dhaxeeya Iran, ayaa waxaa si wayn looga dareemay Wadamada Bariga Dhexe, waxayna Muslimiintu u muuqdaan kuwo u kala qaybsan Suni iyo Shiico.

Dowlada Mareykanka ayaa ka digtay inuu sii xoogeysto khilaafka ka dhexeeya labada dalka ee Iraan iyo Sacuudiga.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook