is Mari waa ka Dhex jira Golaha Wasiirada Jubbaland

Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ,ayaa sheegay in xiisada wayn ay Magaalada ka taagan tahay. kadib Markii Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland ay shir Xasaasiyada wayn ka dhalatay ku kala tageen,kaas oo maalmihii u danbeeyey soo jiitamayey.

Sida ay wardoon.net Xogta ku heshay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe ayaa Wasiirka War-Faafinta Maamulka Jubbaland Cabdinuur wax uu ka dhigay Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Shirka Madasha ee Magaalada Kismaayo ka dhici doono,iyadoo Xiligaas Madaxwaynuhu uuna shaacinin arintaas,Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif oo ah Wasiiru-Dowladdaha Arimaha Hawwenka,Xuquuqul insaanka iyo dhalinyarada ayaa Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradu,waxay daaha ka qaaday in ay jiraan arin ay Suuqa ka maqaleen.

Wuxuu hadalkaas banaanka u soo saaray qorshe uu Wasiirka Warfaafintu u dajiyey Shirka Madasha Wadatashiga,iyo Xubno gudi ah oo isag iyo Suldaan Luga dheere ay wada qorsheeyeen,Waxaa arintaas ka hadalay Wasiir Macalin Maxamed oo sheegay in ayna jirin wax gudi ah oo ay dhisi karaan,.tan iyo inta uu ka imanaya Madaxwayne Axmed Madoobe.

Marwo Qamar Deeq Xaaji oo kamid ah Wasiirad Awooda dheeriga ah isticmaala ayaa gaashaanka ku dhuftay gudiga la sheegay in ay wadaan qaban qaabada Shirka,Waxaan arintaas ku raacay Wasiir Macalin Maxamed iyo Xubno kale.

Shirarkan oo maalintii Sadexaad galay ayaa la isku maandhaafay,Waxaan Magaalada Kismaayo siwayn looga dareemayaa khilaafka cirka isku shareeray ee ka dhashay,Magacaaista gudiga ayna ka warhaynin xubnaha Golaha Wasiirada intooda badan,Macalin Maxamed ayaa Shirka kasheegay in Golaha Wasiiradu wax ayna ka wadatashanin in aan la samayn karin.

War hoose oo  Xarunta Madaxtooyada aan ka helayno ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyadu uu Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland gaadhsiiyey in Xaalada adag ay ka taagan tahay halkaas,Wuxuuna warku sheegayaan in Abshir Maxamed Colow oo Agaasimaha Madaxtooyadu uu Shirka Golaha Wasiirada gaadhsiiyey in si deg deg ah uu Madaxwayne Axmed Madoobe Kismaayo oogu soo foolleeyahay lana hakiyo hawlaha Socda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “is Mari waa ka Dhex jira Golaha Wasiirada Jubbaland”

  1. mohamed sulub says:

    khaladka jir aya kenya dhismo la’anta mamulka oo malinkasta dib lodhigayo,madaxwyanaha ayaa markasta wax kale kumashqula,tasiwaxay kenaya in dadku ka’aaminbaxan mamulka oo sisi sharciga kabaxsan kushaqaynaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook