John Obi Mikel Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Macalinkii Hore Ee Kooxda Chelsea Jose Mourinho

Macalinka reer Portugal Jose Mourinho bilawgii bishan December ayaa kooxda Chelsea laga racadeeyay kadib culees badan oo Blues qabsaday.

Hadaba laacibka Chelsea khadka dhexe uga cayaaro John Obi Mikel ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday macalinkiisii hore Mourinho.

John Obi Mikel wuxuu yiri “Qolka labiska Chelsea iyo jawiga guud ee naadiga wuxuu noqday mid dagan kadib markii Mourinho meesha laga saaray”

“Jawiga wuu dagan yahay cayaaryahan walbana wuu faraxsan yahay kaliya waxaa naga dhiman inaan natiijooyin wanaagsan la kulano waana gaari doonaa”

“Jose waa macalin cajiib ah sidoo kalena waligiis wuu ahaan doonaa shaqsi wacan laakiin mararka qaar kubada cagta waa wax xun waa inaad iska hilmaantaa hoos u dhaca ku qabsado xili mucayin ah”

John Obi Mikel ayaa ugu dambeyntii amaanay macalinka ku cusub shaqada kooxda Chelsea Guis Hiddink wuxuuna ku tilmaamay shaqsi waaya arag ah sidoo kalena Chelsea si deg deg ah dhibaatada kaga saari doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook