Kooxda Arsenal oo laga soo diiday dalabkii £42milyan ahaa….

Kooxda Burisa Dortmund ayaa waxaa ay sheegtay in ay qiimo yar uusan u qalmin dheemankooda cirka maraya ee reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa diyaar in aduun lacageed dhan £42 million uu kula soo wareego weeraryahanka Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang laakiin kooxdiisa waa ay la yartahay lacagtaasi waxaana ay rabaan in ay ku helaan lacag intaasi ka badan.

Hogaamiyayaasha Horyaalka ayaa sanadkan waxaa ay doonayan in ay iska dhisaan dhanka weerarka iyo qadka si ay u hantaan koobka Primier League.

Kooxda Dortmund ayaa dooneysa in ay sii heysato laacibkeeda Pierre-Emerick Aubameyang.

Weeraryahankan ayaa waxaa aad loo hadal hayaa in uu ku biiri doono kooxaha ka dhisan London Sida Arsenal iyo Chelsea.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook