Liverpool Oo Diyaar U Ah Iney Saxiixa Aubameyang Kula Dagaalanto Arsenal

Liverpool ayaa diyaar u ah iney Arsenal kula dagaalanto saxiixa weeraryahanka kooxda Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang sida ay qortay Majalada Express.

Xidigaan reer Gabon ayaa lagu qiimeeyaa 42 Malyan Oo Pound, waxaana lagu soo waramaya inuu fashilmay dalabyo xidigaan uga yimid kooxo ka dhisan Horyaalka Ingiriiska oo aan la carabaabin.

The Sun ayaa sheegtay goor hore in Arsenal ay wakiilo wadahdal la fura Dortmund u dirtay Jarmalka, blase Express ayaa sheegeysa in Liverpool ay adeegsan doonto cusud weyn oo ah Klopp kaas oo xiriir wacan la leh kooxda Dortmund iyo waliba xidigaan reer Gabon.

Pierre-Emerick Aubameyang haatan waa hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka Bundesliga isagoo leh 18-gool wuxuuna kaliya intaas ku dhaliyay 17-kulan oo uu saftay.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa saxixia xidigaan ku raad joogta balse waxey warbaahinta Ingiriiska u badinayaan suuragalnimada ah in xidigaan uu usoo wareegayo horyaalka Ingiriiska.

Ugu dambeyntiina Dortmund ayaa qaadaneysa 42 Malyan Oo Pound hadii iiska loo saaro waana qiimaha ay kaga samri karto gooldhaliyahaan heerka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook