Luis Suarez Oo Ganaax Garka Loo Galiyay Iyo Barcelona Oo Rac Faan Ka Qaadatay

Weeraryahanka reer Uruguay sidii la filaayay gudiga anshaxa xiriirka kubada cagta Spain ayaa labo kulan oo ganaax ah dul dhigeen.

Luis Suarez ayaa lagu ciqaabay rabshadii uu ka sameeyay Copa del Rey wareegiisa 16-aad lugta kowaad kulan ay Barcelona 4-1 guusha uga qaadatay naadiga Espanyol.

Luis Suarez ayaa lagu cadeeyay inuu xasarad kiciyay markii kulankii Copa del Rey dhamaaday sidoo kalena uu aflagaado u geestay qaar ka mid ah xidigaha naadiga Espanyol.

Suarez ayaa seegi doono lugta labaad ee Barcelona la cayaari doonto naadiga Espanyol iyo hadii ay wareega 8-aad usoo baxaan Copa del Rey lugtiisa kowaad.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u sheegtay inaysan ganaaxa Suarez aqbalin sidoo kalena racfaan ka qaadan doonto talaabadan.

Barcelona ayaa maxkamad dhex dhexaad ah ka dacwoon doonto madaama ay u aragto in Suarez qalad lagu heesto.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook