Madaxweynaha DF iyo Axmed Madoobe oo kulan ku leh Madaxtooyada Muqdisho

Magaalada Muqdisho maanta waxaa dib ugu soo laabtay madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud kadib markii uu safar labo maalin ah oo uu ku joogay magaalada Boosaaso.

Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa safar deg deg ah ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka nasoo gaaray ayaa sheegaya in haatan madaxtooyada Soomaaliya uu kulan xasaasi ah uga soconayo madaxweynaha DF iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Arimaha ay kawada hadlayaan waxaa kamid ah dib udhaca shirka Kismaayo oo la filayay in 10-ka bishan uu furmo iyo arimo kale oo la xariira ciidamada Itoobiya ee tagay Kismaayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook