Madaxweyne C/kariin Guuleed oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo +Vidoe +Sawirro

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubaland, ku xigeenkiisa, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubaland.

Madaxweyne Cabdikariin ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay Madaxtooyada Maamulka halkaasi oo durbadiiba uu kulan kula qaatay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa xooga saaraya in xal laga gaaro muran siyaasadeedkii u dhexeeyay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland si maalinta bari ah uu u furmo shirka iyada oo aan jirin tabasho labada dhinac ah.

Sababta Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay ugu hormareen Kismaayo ayaa ah in la dhameeyo khilaafaadka yar yar ee wali ka dhextaagan labada maamulka.





Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook