Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo booqday tuulada Dayenno oo 17-KM ka xigta waqooyi ka xigta Cadaado +Sawirro

Waxaa tuulada Dayenno oo 17-KM waqooyi ka xigta Magaalada Cadaado ayaa waxaa maanta booqday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Wafdi uu hogaaminaayay.

Booqashada ayaa waxaa ku wehlinaayay qaar kamid ah Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxa ayna mudada booqashada ay ku guda jireen cagta mariyeen goobo farabadan oo deegaan ay ku ahaayen dad shacab ah.

Waxa ay masuuliyiintaasi Tuulada Dayeenno kula kulmeen Odayaal iyo dad shacab ah oo ay ka dhageysteen warbixin ku aadan qaabka ay ugu noolyihiin Tuulada iyo dhibaatooyinka ka heysta xaga nolosha.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in booqashadoodu tahay mid ay ku daraaseynayeen nolosha dadka halkaasi ku dhaqan iyo baahiyaha ay tabanayaan waxa uuna sheegay in booqashooyinka noocaani ah ay noqon doonaan kuwa sii socon doona.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weynaa uu yahay inay la socdaan amaanka Tuulada.

1 2 3





Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook