Madaxweyneyaasha Galmudug oo Cambaareeyay Socdaalka Guddoomiye Jawaari Ee Dhuusamareeb +Cod

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay safar uu magaalada Dhuuso Mareeb uu maanta ku tagay Gudoomiyaha Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Guuleed in Safarka uu Jawaari ku tagay Magaalada Dhuuso Mareeb uusan waxba kala socon maamulkiisa, waxa uuna tilmaamay in safarka Jawaari uu yahay mid aan u adeegeyn nabadeynta iyo wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlu-Sunna.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay safarka Jawaari mid carqalad ku ah guud ahaan dadaalka nabadeynta ee Somalia iyo shirka madasha ee lagu wado inuu dhawaan ka furmo magaalada Kismaayo.

Prof Jawaari oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa labaad iyo 24 mudane oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuuso Mareeb , waxa ayna socdaalkooda ku sheegeen mid la xiriira xal u raadinta khilaafka ka dhaxeeya Ahlusuna iyo maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa u muuqda kuwa kasoo horjeeda safar aan horey loo sii shaacin uu maanta Magaalada Dhuuso Mareeb ku tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna halkaasi Gudoomiyaha kula ulmay madaxda maamulka Ahlu Sunna.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook