Magaalooyin Suuriya Katirsan oo dadku Bilaabeen in ay Cunaan Hilibka Mukulaasha iyo Qashinka +Video

Dagaalka mudada 5-ta sanadood ka socda wadanka Suuriya ayaa dhaliyay musiibo ballaaran oo ku habsatay malaayiin qof muslimiin suniyiin ah kuwaasi oo ku dhibaatoobay xasuuqa bahalnimada ah oo ay ciidanka Nidaamka iyo Ruushka ka wadaan wadanka.

Wararka Suuriya ka imaanaya ayaa sheegaya in gaajo daran ay ku habsatay kumanaan shacab rayid ah oo ku dhaqan duleedka magaalada Dimishiq kuwaasi oo muddo sanada ah u hareeraysan nidaamka Bishaar Al-asad.

Dadka ku go’doosan magaalooyinka Madaaya iyo Zabadaani ayaa bilaabay in ay cunaan hilibka Mukulaasha iyo qashinka daadsan waddooyinka.

Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya ayaa sheegay in qoysasku bilaabeen qalashada xayawaanka Mukulaasha si naftooda ay ubad baadiyaan.

Sawirro lagu baahiyay Internetka waxaa kasoo muuqanayay dad gowracaya Mukulaal iyo dad cunaya qashin,mas’uul katirsan xarakada Axraaru Shaam ayaa ka digay in dadka u hareeraysan Nidaamka Bashaar Al-asad ay jaago u dhammaadaan.

Tobaneeyo qof ayaa baahi ugu dhigtay magaalooyinka Madaaya iyo Zabadaani,ciidamada Bishaar Al-Asad iyo maleeshiyaadka shiicada Ururka Xizbullaah ayaa diiday in raashin iyo daawo lagaarsiiyay dadka muslimiinta sunniga ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook