Paul Pogba oo is bar bar dhig ku sameeyay kala duwaan shahaha “Kooxaha Juventus iyo tan Man United

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba ayaa isbarbardhig ku sameeyay hawlaha kala duwan ee kooxaha Man United iyo Juventus.

Paul Pogba oo iskudayay inuu cadeeyo farqiga u dhexeeya United iyo Juventus ayaa sheegay in kooxda reer talyaani u ciyaaristeedu aysan ahayn wax fudud isaga oo sii raaciyay in marka lala barbardhigo tan United ay noqonayso shaqo u eg fasax oo kale.

22 jirka reer France oo la hadlay La Stampa ayaa yiri:

“Dadku waa inay ogaadaan in marnaba aysan fududayn shaqada kooxda Juventus, habka shaqada iyo tababarka waa mid ka duwan meelaha kale”.

“Waxaan dhihi karaa marka aan la barbardhigo shaqada United oo kale inay tahay mid fasax u eg, waxaan qabanaa hawl culus, waxaan ku guulaysanay waa mid aan ku mutaysanay howsheena”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook