Qarax culus oo saakay ka dhacay magalalada Muqdisho

Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, ayaa la sheegaya in saaka aroortii qarax jugtiisa si aad ah looga maqlay Magaalada Muqdisho inuu halkaasi ka dhacay.

Qaraxaan ayaa dadka deegaanka waxa ay inoo sheegeen inuu ahaa mid lagu xiray gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna la qarxiyay, xilliga Baabuurka la qarxinaayay ayaa waxaa baabuurka ka degtay ninkii waday oo qaraxa lala damacsanaa.

Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi, kuwaasi oo ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay, lama soo sheegin wax dhimasho ah oo Qaraxa ka dhashay.

Ninka Baabuurkiisa la qarxiyay ayaa la sheegay inuu ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana magaciisa lagu soo koobay Jaarlees.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Hay’adda Nabad Suggida ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook