Qarax ismiidaamin aah oo ka dhacay Muqdisho

Weerar ismiidaamin ah oo la sheegay in uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu ka dhacay Guriga hooyooyinka ee Degmada Xamar Weyne gaar ahaan Maqaayada The Village ee halkaasi kutaala.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooganaa si weyna looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maqaayada la qarxiyay ayaa waxaa ku sugnaa Wariyaal iyo dad kale oo aad u badan , lamana yaqaan inta uu la egyahay qasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi ka dhashay

Xaalada goobta uu qarau ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana halkaasi hada kusii qul qulaya ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook