Qarax ka dhacay Magaalo ku taalla G.Sanaag oo Carruur ku le’day

Carruur ayaa la sheegay inay ku le’deen qarax ay garaaceen kadibna ku qarxay Deegaanka Balli Busle oo katirsan Gobolka Sanaag.

Ilaa Seddex Carruur ah ayaa la sheegay inay ku naf waayeen walxaha qarxa ee ku qaraxday islamarkaana waalidiintii dhalay carruurta dhintay ay wal wal ka qaadeen musiibadaasi ku habsatay.

Gudoomiyaha Deegaanka Balli Busle Ee Gobolka Sanaag Buraan Bootaan ayaa saxaafada usheegay inay dhowr jeer arimaha nuucaasi oo kale ah ay kusoo laab laabteen Deegaankooda.

Wixii ka dambeeyey markii ay meesha ka baxday dawladii Dhexe Ee Soomaaliya ee Marxuum Maxmaed Siyaad Barre ayaa waxa soo badanayey qaraxyada dhulka lagu duugay sanado badan ka hor ay carruurta ku ciyaaraan kadibna ay ku qaraxdo dhimasho iyo dhaawacmaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook