Saldhig Ciidan oo laga Xaday Hub Farabadan

Booliska Dalka Kenya ayaa ku daba jira Labo Nin oo Saldhigga Booliska Majengo ka soo xaday Hub ay lahaayeen Booliska,kadibna Guryahooda dhigtay.

Booliska ayaa sheegaya in Labad Nin ay kaga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,Hubkana ay ka damacsanaayeen in ay Weerarro kaga fuliyaan gudaha Kenya.

Hubla dib loo qabtay ee Booliska laga soo xaday waxaa ka mid ah Qoryaha M4 iyo G3,Rasaas,Taleefanada Gacanta iyo Laabtoobyo ay Booliska lahaayeen.

Booliska hadda waxaa ay sheegayaan in ay raadinayaan Labada Nin ee ay sheegeen in ay kaga shakisan yihiin in ay la shaqeeyaan Al-shabaab ama u shaqeeyaan,waxaana Hubka laga helay degaanka Majengo oo ka tirsa Magaalada Mombasa Isniintii shalay.

Qoriga G3 ayaa laga xaday Sarkaalkii ilaalinayay Banggiga Gulf Afrika ee Mombasa 2dii October 2015kii.waxaana sidoo kale Qoriga M4 Laxaday Bishii Novmber ee Sanadkii 2014, isku meelna laga helay iyaga iyo 345 Xabbo oo Rasaas ah,15 Taleefannada Gacanta ah iyo Labtoobyo.

Magacyada Raggan Labada ah ayey Booliska ku sheegeen Ismail Shoosi iyo Xasan Cumar,waxaana ay dadka degaanka ka dalbadeen in ay la socodsiiyaan Booliska Macluumaad u horseedaya Booliska in ay qabtaan raggaasi.

Booliska ayaa Raggan sheegaya in ay labo mid tahay in ay u baxsadeen dhanka Soomaaliya ama in ay ku dhuumanayaan Magaalada Mombasa gudaheeda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook