Shariif Xasan Oo ku waajahan Addis Ababa +Sababta

Wararka aan ka helayno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ay Magaalada Baydhabo ka bilowdeen Shirar goos goos ah oo Shariif Xasan uu lalahaa Xubnahan Beelaha Deegaanka,gaar ahaan Odayaasha Gobolka Bakool ee ku sugan Magaalada Baydhabo, Shariif Xasan ayaa intii ay shirarkaas xalay socdeen sheegay in uu jiro Safar deg deg ah oo uu ku tagayo Magaalada Adis ababa.

Wuxuu shariif Xasan Sameeyey habeenimadii xalay balanqaadkii ugu Cuslaa oo uu Odayaasha ugu sheegay in Gobolka Bakool iyo gobolka Bay ay isku Xuquuq helayaan isaga oo aan dib ugu noqonaynin Xildhibaanada balse qaybaha kale ee Dowladda uu ka qayb galinyo.

Socdaalka Shariif Xasan ee Magaalada Adis abab ayaa daaran in Dowladda Ethiopia ay u cadayso Mawqafkeeda ku wajahan dhisamah maamulka Gobolka BakoolSare State maadaam Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu walaac badan ka qabo,ogaansho la’aanta mawqafka Dowladd Ethiopia ee Maamulka Bakool Sare.

Xaalada Siyaasada ayaa shariif Xasan ku cakiran waxayna arintan ka dhalatay dhismaha Gobolka Bakool,oo meel uuna filaynin ay kagag soo bexeen dadkii deegaankaas ka soo jeeda,gaar ahaan siyaasiyiinta iyo waxgarka DF Soomaaliya ugu jiray deegaanka oo mudo ka waaninayey Shariif Xasan Talaabooyinka uu qaaday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Shariif Xasan Oo ku waajahan Addis Ababa +Sababta”

  1. mohamed sulub says:

    dadka aqoonta uleh shariif xasan sheikh aadan,waxay shegen in usan mamul dawladed wax ka’aqoon,waxa kaliya uu yaqan aay tahay in wax laysku khaldo oo iska hor’emad iyo qalalse shaqadisu ubadan tahay,145 xildhiban xage uga kenaya misaniyad dhaqale iyo mid nabad galyo?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook