Shiicada Iyo Sunniga Oo Kala Fogaanshahooda Cirka Isku Shareeray +Video

mudaraado ballaadhan oo ay isugu soo baxeen dad shiico ah oo ka kala dhacay gobalka Khashmir, ee dalka India, dalka lebanon, iyo dalka Iran, kaas oo ay kaga soo horjeedaan dilkii ay Boqortooyada audi Arabia, ku fulisay 47 qof, oo uu ku jiro Sheekh shiico ahaa oo magac weyn ku lahaa shiicada ku nool Saudi Arabia. taas oo keentay in ay xidhiidhkii dublamaasi kala goostaan dalalka Saudi Arabia, iyo Iran, waxaana sidoo kale, dalka Iran, xidhiidhkii dublamaasi ka goostay dalalka Bahrain, iyo Sudan, oo ah dalal Sunni, iyada oo dalka Iran, uu aaminsan yahay in uu masuul ka yahay dadka shiicada ah ee ku nool dalalka bariga dhexe. waxaana cirka sii shareeray.
kala fogaanshaha muslimiinta sunniga ah iyo kuwa shiicada ah ee ku nool caalamka.

Dalalka Saudi Arabia, iyo Iran, ayaa kala goostay xidhiidhkii dublamaasi, iyada oo dublamaasiyyinta labada dal kala jooga loo qabtay in ay dal walba kaga baxaan muddo 48 saacadood ah.

Sidoo kale, waxa maanta la qarxiyay laba masjid oo ay ku cibaadaystaan muslimiinta sunniga ah oo ku yaalla, gobalka Hilla, ee koonfurta Iraq, waxaana halkaa lagu dilay Sheekh Sunni ah, waxaana la aaminsan yahay in uu weerarkani aargoosi u yihiin Sheekhii shiicada ahaa ee ka mid ha ahaa dadkii lagu daldalay Saudi Ariba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook