Shir Xasaasi ah oo haatan Kismaayo uga soconaya Cumar C/Rashiid, Gaas, Guuleed, A/Madoobe iyo Shariif Xasan

Warar haatan naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu dhexmarayo madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan oo ah mid siyaasadeed ayaa dhinacyadan waxaa ay kaga hadlayaan sidii fikir isku soo dhawaasha ah looga qaadan lahaa shirweynaha qaran ee beri ka furmi doona Kismaayo.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug State ay diidan yihiin codsi uga yimid madaxda Puntland iyo Jubbaland ee ah in doorashada soo aadan ay ku saleysnaato heer deegaan oo laga gudbo 4.5.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa beri gaaraya madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo gudoomiyaha barlamaanka si ay shirweynaha qaran ufuraan

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook