shirka maamulka usamaynta Gobolada Hiraan iyo Sh/Dhex oo taladada furmi doona

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku qulqulaaya Ergooyin kala duwan kuwaasi oo la filaayo in halkaasi ay uga qeybgali doonaan shirka maamulka loogu dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa sidoo kale halkaasi gaaraya Siyaasiyiin, Ganacsato iyo musharaxiin u taagan madaxtinimada maamulkaas ee dhawaan ay doorashadeedu dhici doonto.

Ergada, Siyaasiyiinta ayaa u diyaar garoobaaya Shirka oo la filaayo inuu furmo maalinta Talaadada ee soo socota.

Shirka ayaa waxaa la filayaa inuu furo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna halkaasi ka jeedin doonaa khudbad khuseysa ahmiyada shirka iyo qorshaha ay Dowladu ka leedahay.

Magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan oo sugaaya amaanka, halka qaarna ay baro koontorool ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada si ay u sugaan amaanka goobta shirka iyo madaxda kala duwan.

Howlgalo ayay ciidamada qaar ka dhex wadaan gudaha magaalada waxaana la sheegay in Howlgaladaasi ay yihiin kuwo looga hortagaayo amaan darida magaalada.

Si kastaba ha ahaatee Indhaha dadka Soomaaliyeed ayaa waxay ku sii jeedaan magaalada Jowhar oo ka soo bixi doona maamulkii ugu dambeeyay oo federaal ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook