Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee Kismaayo ka furmi lahaa 10-ka bishan oo dib u dhacay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhacay shirkii Madasha wada tashiga Qaran ee ka furmi lahaa magaalada Kismaayo 10-ka bishan Janaayo.Shirkan ka dhaca Kismaayo ayaa lagu go’aamiyay shirkii bishii December ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa aayaha Soomaaliya sanadka 2016.

Wararka ayaa sheegaya in 20-ka bisha uu si rasmi ah shirka u furmi doono magaalada Kismaayo, iyadoo lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016 iyo qaabka ay noqoneyso.

Inkastoo aan la shaacin sababaha uu dib uga dhacay shirka, ayaa hadana warar aan helnay waxay sheegayaan in dib u dhaca loo maleynayo inuu ka dambeeyay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo todobaadka soo socda ka furmaya Jowhar, iyo munaasabada sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo dhici doonta 8-da bishan.

Madaxda Soomaalida ayaa wali isku raacin nooc doorasho oo dalka ka dhacda, iyadoo muddo lix bilood ay ka harsan tahay xilliga la qorsheynayo in Soomaaliya doorashooyin ka dhacaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook