Taliyaha ciidamada nabad sugida Galmudug oo digniino kasoo saaray magaalada Cadaado+ VIDEO

Saadaq Cumar Xasan oo aah taliyaha ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka qeybta Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono qofkasta oo xariir la leh Al shabaab.

Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay inay ka war hayaan dad shabaab la leh oo kusugan magaalada Cadaado hase yeeshee ay talaabooyin adag ka qaadi doonaan.

Taliyaha ayaa sheegay in Shabaab aan laga kireyn karin guryaha iyo gaadiidka waxuuna sheegay in qofkii lagu helo lala wareegi doono hantidiisa.

Waxaan ognahay shaqsiyaad xariir la leh alshabaab ee kusugan deegaanada Galmudug balse maka yeeli doono in qof shabaab xiriir la leh uu nagu dhex noolaado ayuu yiri Taliyaha ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka qeybta Galmudug Saadaq Cumar Xasan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook