Taliyihii Ciidanka Amaanka Garoonka Diyaaradaha oo La Dilay

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in Seddex qof uu ku jiro Taliyihii Ciidanka Amaanka garoonka Diyaaradaha Magaalada Qardho la dilay waxaana soo baxaya warar is khilaafsan dilkooda.

Tasoo xaqiijinaysa in Marxuum Ismaaciil Weyrax uu ugeeriyooday dil ay ugeysteen koox hubeysan.

Warar ayaa sheegaya in dilka Sargaalkaasi uu salka ku hayo Aano Qabiil oo ka taagan Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cameey ayaa waxa uu hadda kusugan yahay Qardho lamana oga sida ay usaameyn karto dilalka ka dhacay Magaaladaasi

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook