Ugaas C/raxmaan oo lagu Aasayo Degaan ay Al-shabaab Maamulaan

Allah ha u naxariistee waxaa lagu wadaa in Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shalay ku Geeriyooday Magaalada Baledweyne in lagu Aaso Degaanka Daaro Ugaas ee isla Gobolka Hiiraan.

Degaanka Daaro Ugaas oo u dhexeeya Degmada Buulabarde iyo Magaalada Baledweyne ayaa waxaa Gacanta ku haya Xarakadda Al-shabaab oo Dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Degaankaas ayaa waxaa ku Aasan 17 Ugaas oo uu ugu danbeeyay Aabihii Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Guddi Heer Qaran ah oo uu ku jiro Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa loo saaray in Aas Qaran ay u sameeyaan Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Sidoo kale waxaa Wararku ay sheegayaan in ay Adag tahay in halkaa Ugaaska lagu Aaso maadaama ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook