USA: Maleeshiyada hubeysan oo weli diidan inay ka baxaan xarun dowlada leedahay +Sawirro +Video

Maleeshiyada hubeysan ee Xagjirka Cadaanka dalkaasi Maraykanka ee qabsaday xarun ay leedahay Dowlada Federaalka Axadii lasoo dhaafay, ayaa weli diidan inay halkaasi si nabad ah uga baxaan.

Kooxdan oo Axadii lasoo dhaafay la wareegay Xarunta Illaalinta Xayawaanka iyo Duurjoogta ay dowlada Federaalka Maraykanka ku leedahay magaalada Burns ee gobalka Oregon.
Maleeshiyadan ayaa markii hore ku doodayeen inay kasoo horjeedaan xukun maxkamada Federaalka ku riday wiil iyo aabihiis loo heystay inay ku xadgudbeen dhul ay dowlada Federaalka leedahay, ayaa qorshahooda badelay kadib markii labadaasi nin ay sheegeen inaysan wax shuqul ah ku lahayn kooxdan hubeysan oo magacooda ku doodaya.

Dwight Hammond oo ah 73 sano jir iyo wiilkiisa Steven Hammond oo ah 46 sano jir ayaa lagu xukumay min shan sano kadib markii lagu eedeeyey inay gubeen dhul baadiye ah oo ay dowlada leedahay, labadan nin ayaa booliiska isku dhiibay isla markaana iska fogeeyey inay wax xiriir ah la leeyihiin kooxdan hubeysan.

Kooxda hubeysan ayaa waxaa hogaaminaya qoyska loo yaqaan BUNDY oo marar hore xurguf usoo dhexmartay dowlada Maraykanka, qoyskan ayaa hada ku doodaya in dowlada dhexe ee Federaalka ay boob ku wado dhulka ay sida gaarka ah u leeyihiin beeraleyda cadaanka ah, waxayna hada sheegeen inay doonayaan in dowlada Dhexe ee Federaalka ay lahaanshaha dhulka baadiyaha ay ku wareejiso maamulka gobalka Oregon.

Saxaafada Maraykanka ayaa dhacdadan iyo maleeshiyaadkan heysta xarunta dowlada Si weyn uga hadlay iyadoo shacabka Maraykanka qaarkood ku tilmaameen kooxdan kuwo argagaxiso ah, balse aan wax tilaabo ah laga qaadin maadaama ay yihiin dad cadaan ah!

2 3 4 5 6 17

Arizona cattle rancher LaVoy Finicum talks to the media at the Malheur National Wildlife Refuge near Burns, Oregon, January 5, 2016. Saturday's takeover of the Malheur National Wildlife Refuge outside the town of Burns, Oregon, marked the latest protest over federal management of public land in the West, long seen by conservatives in the region as an intrusion on individual rights. REUTERS/Jim Urquhart

9 88

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook