Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Amniga Somalia oo Maanta Gaaray Beledweyne +SAWIRRO

Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowlada Somalia.

Wafdiga gaaray Beledweyne ayaa waxaa hogaaminaayay wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana lagu wadaa in halkaasi ay uga qeybgali doonaan Aaska Allaha u naxariistee Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta ku gaariyooday Beledweyne.

Wafdiga ayaa waxa ay Aaskaasi wakiil uga yihiin Dowlada Somalia, waxa ayna Wafdiga magaalada Beledweyne ku sugnaan doonaan inta uu socdo Aaska Marxuumka oo kaalin wanaagsan ka qaatay isku keenida Beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Beledweyne.

Wafdigu kuma aysan ekeyn Wasiiro iyo Xildhibaano balse waxaa qeyb ka ahaa Odayaal dhaqameed, waxgarad, xubno xilal kasoo qabtay dowladihii Somalia ee soo maray, kuwaasoo hor-dhac u ah wufuud kale oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada







Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook