Wasiir ka tirsan Dowlada Galmudug oo Dil ka badbaaday +Cod

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Ee Maamulka Galmudug Cabdi Samad Yuusuf Cilmi ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu Damacsanaa in lagu Qaarajiyo.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maamulka Galmudug ayaa lagu Weeraray degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir,waxaana uu sheegay in Rag Hubeeysan oo Gaari wata ay soo Weerareen.

C/samad ayaa intaa ku daray in aysan jirin wax Khasaaro ah oo ka soo gaaray Weerarkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal iyo Qaraxyo inta badan ay waxyeelo ka soo gaarto Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Dad Shacab ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook