Xiisado Wali ka taagan Suuqa Darxumo ee magaalada Gaalkacyo

Waxaa wali isku horfadhiya qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ciidamo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamadan ayaa waxaa si weyn looga arkayaa Suuqa Darxumo ee Gaalkacyo, suuqan ayaana katirsan dhanka maamulka Galmudug State.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in cabsi xoogan ay jirto isla markaana hadii ay ciidamadan isa sii horfadhiyaan ay dagaallo dhici karaan.

Maamulada Galmudug State iyo Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin ciidamadan badan ee kuwada sugan Suuqa Darxumo ee Gaalkacyo.

Arintan ayaa waxaa ay Salka kuu haysaa qilaafka wali ka dhax aloosan Galmudug iyo Puntland oo aan wali xallaga ggaarin waxaana ay aheyd dhawan markii odayaasha Puntland ay sheegen in Puntland ay doonayso in canshuur ay ka qaado Ganacsatada Suuqa Darxumo ee Gaalkacyo

Suuqa Darxumo waxa ku ganacsada ganacsatado ka soo jeeda dhan ka Galmudug waxaana suuqaasi uu yahay melaha murankiisa wali la hadal hayo maadama Bartamaha suuqa labada dhinac uu ku yaaalo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook