Xildhibaano Taabacsan Shariif Xasan oo waji gabax kala kulmey Ciidamda Itoobiya ee magaalada Xudur

Wararka naga soo gaadhay Magaalada Xudur ayaa sheegay in Shirar xasaasi ah oo ku dhexmay Xildhibaano ka tagay Magaalada Muqdisho,oo Maamulka Koonfur K/Galbeed Soomaaliya taageeran iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee Magaalada Xudur,wuxuuna kulankaasi oo aan ahayn kii ugu horeeyey ee Sarakiisha iyo xildhibaanada ayey Xildhibaanadu ku codsanayee in Saraakiisha Ethiopia ay u ogolaadaan in ay tagaan Magaalada Ceelbarde.

Sida Wariyeyaasha goobtaas jooga ay ku soo warmayaan,Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa gaashaanka ku dhuftay diidayna in Xildhibaanadaas ay tagaan Magaalada Ceelbarde waxayna sheegeen in marn ayna ogolaan doonin in ay Xildhibanadaas gaadhaan Magaalada Ceelbarde oo xiligan uu ka shaqaynayo Maamulka Bakool Sare oo iyagu ayna raali ka ahayn dhismihiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Beelaha Raxanwayn ay tagaan Magaalada Ceelbarde,Yeed iyo Aato,iyga oo Ciidamada Ethiopia iyo Saraakiisha deegaanadas jooga ka codsaday in ay socdaalkaas kala qayb qaataan balse Saraakiishu ay u sheegeen in ayna suurogal ahayn in ay u raacaan Safarkaas.

Dhanka Kale Waxaa Magaalada Xudur xiligan ku wajahan Xubno kale oo ka tagaya Magaalada Muqdisho oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hogaaminayo Aadan Madoobe oo horay u soo noqoday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook