Yaa ku Guuleystey Ballon d’Or Cod bixin Lagu qaaday Facebook iyo Twitter?

Waxaa Maalinka Isniinta ah ee Fooda nagu soo haysa labixin doonaa Cayaaryahanka ugu fiican Caalamka ee Ballon d’Or waxaana u sharaxan sadexda Xidig ee kala ah Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar

Lionel Messi,Waxa uu rajeynayaa in uu Noqdo Laacibka dunida ugu Fiican Markiisii 5 aad halka Cristiano Ronaldo uu Suagayo Markiisii 4 aad Neymar Weligiis kuma Guuleysan.

Hadaba Waxaa Codeyn lagu qaaday baraha Bulshada ee facebook iyo Twitter Codbixintaas oo Tan Facebook uu ku Guuleystey Ronaldo Kaalinta labaadna uu galay Neymar halka Kaalinta 3 aad uu ka dhacay Messi.

Balse Messi ayaa Ku guuleystey Codbixintii lagu qaaday Twitterka kaalinta Labaad waxaa galay Ronaldo Kaalinta 3 aad Waxaa galay Neymar.

Inta badan dadka ku Codeeyey Facebook ayaa Mayjoorati Waxa ay ku noolyihiin Dalalaka UK, Germany, Italy, Spain, Netherlands, Sweden, France, Portugal, Turkey, Poland, US, Brazil, Argentina iyo Mexico.Waxaana Ronaldo Codadka boqolkiiba 29 aad uu ka helay dalka England.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook