opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo noqday Xubintii ugu horeesay oo kamid noqonaya Aqalka sare

abshir
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug lagu doortay xubintii ugu horeesay oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaana tartankii ugu horeeyay ee Doorashada Aqalka sare uu dhax maray sadex Musharax oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir gaar ahaan Beesha Saleemaan , waxaana doorashada kusoo baxay Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari)

Codadka ayaa look ala helay

1-Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo helay codad gaaraya 48-cod
2-Ahmed Kaariye Xoor xoor oo helay 28-cod
3-Kamaal Guutaalle oo helay codad gaaraya 15-cod

 

Musharaxa ku guuleestay in uu kamid noqdo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Abshir Bukhaari ayaa ah nin katirsan Kooxda Aalla Sheekh gaar ahaan waxa uu kasii mid yahay Xisbiga Daljir, , waxa uu sidoo kale yahay Abshir Milkiilaha Idaacadaga Goobjoog iyo GoolFm ee magaalada Muqdisho.

Waxaa goordhaw la filayaa in Baarlamaanka Galmudug sidoo kale cod u qaadaan musharixiinta kale ee ku tartameysa in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Federaalka, Galmudug ayaana noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee qabta Doorashada Aqalka sare.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook