opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Ahlusunna oo dhabar jabin kusamaysay Galmudug Deegane Qabsatay

2
FacebookTwitterGoogle+Share

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Garab ka helaya Maamulka Ahlusunna ayaa ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,waxaana Dagaalka uu ka dambeeyay ka dib Markii Koox Maleeshiyo ah ay halkaas Isbaaro dhigatay,iyadoo Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ay Weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Jidgooyada dhigtay.

Dagaalka ayaa waxaa ku biiray Ciidamo wata Gaadiid Dagaal oo aad u badan,kuwaas oo ka baxay Degaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud islamarkaana ka tirsan Maamulka Ahlsunna.

Ciidamada Ahlusunna iyo Maleeshiyaadka Isbaarada dhigtay ayaa la wareegay Gacan ku haynta Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,waxaana Ciidamada Galmudug looga saaray Magaalada Dhanka Magaalada Cadaado.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in ay hayaan Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Dagaalka ay ku qabteen iyo Hub sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa sidoo kale jira Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dagaalka ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Galmudug weli war kama soo saarin Dagaalka Ahlusunna ay kula Wareegtay Magaalada Godinlabe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook