opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

AKHRISO:- Magacyada Madaxdii Shalay ku dhimatay Weerarkii iyo dagaalkii Magaalada Afgooye ka dhacay

lates3
FacebookTwitterGoogle+Share

Xaalada magaalada Afgooye ayaa saaka degan kadib weerarkii weynaa ee Alshabaab shalay ku soo qaaday degmadaasi oo saacado ay heysteen.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana soo baxaya magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku geeriyooday weerarka oo intooda badan lagu dilay qarixii is miidaaminta ahaa ee lala beegsaday saldhigga cusub ee Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka aya gaareen 19 qof, halka dhaawaca ka badan yahay intaasi.

Taliyihii ciidamada Asluubta Afgooye ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dadka ku dhintay dagaalka, saraakiisha ku dhintay weerarkii Afgooye waxaa ka mida:
1-Labo Xiddigle C/qadiir Maskiinoow

2-Axmed Cabduqadir Cabdulle Gorod

3-Cabdi Xasan Cabdulle Boqol

4-Cali Cabdi Yusuf – Cali Karadhi

5-Cabdifitaax Axmed Cartan

6-Maxamuud Dahir Faarax Qooleey

Alshabaab ayaa ka baxay magaalada kadib saacado ay ku sugnaayeen iyagoo gubay saldhigga oo ku burburay qaraxa, waxayna qasaare ba’an ka geysteen magaalada.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkii Afgooye ku dileen ilaa 35 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook