opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Akhriso Taariikhada Madaxweynah Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

1-4
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa jawi degan kusoo dhamaaday doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar taa oo ay ku tartamayeen musharaxiin u taagan qabashada xilka Madxaweyne iyo ku-xigeen ee maamulka Hirshabeelle.

Doorashadaani ka dhacday magaalada Jowhar ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee lagu qabto magaaladaasi waxaana qabsoomideeda bogaadiyay Madaxtooyada Somalia.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa waxaa loo doortay Cali Cabdullaahi Cosoble, halka Cali Cabdulaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Waa kuma Cali Cabdullaahi Cosoble

Cali Cosoble, oo u dhashay beesha Xawaadle, waxaa uu ku dhashay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dugsi hoose/dhexe ilaa sare waxaa uu ku dhameystay isla magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa heer Jaamacadeed waxaa uu ku qaatay dalka Mareykanka isagoo ku taqasusay cilmiga beeraha iyo dhaqaalaha, Cosoble waxaa uu ka bartay Jaamacadda Sam Houston State University.

Shaqooyinka:

Waxaa uu muddo ka shaqeeyay Bangiga hor-u-marinta ee Soomaaliya, ilaa ay ka dhacdo dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Oxfam: burburkii kadib waxaa uu ka shaqo bilaabay hey’adda Oxfam qeybteeda magaalada Baladweyn isagoo markii dambe wakiil uga noqday hey’adda guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiisna ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

2004-2012: Cali Cabduulahi Cosoble, waxaa uu siyaasyadda ku soo biiray 2004-tii, waxaa uu Xildhibaan ka noqday dowladihii KMG ahaa 2004-2012.

January 7, 2005: Xukuumadii Cali Maxamed Geedi ee xilligii dowladda Cabdillahi Yusuf waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada.

October 17, 2016: Waxaa loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa Ballan-qaaday Cali Cabdulahi Cosoble:

Waxaa uu Cosoble dowladdiisa hal-ku dhig uga dhigay Nabad, Nolo iyo Cadaalad

Dhismo dowlad heer deegaan ah.

Siyaasad leh, waajibaad cad cad.

Umad mid ah oo leh ujeeddo mid ah, oo aaminsan wada jir-ka, wada noolaashaha iyo is xaq dhowr-ka.

Soo saarista umad Islaam ah oo is jecel isla markaana jecel wanaagga iyo nabadda kana reeban xumaha.

Barnaamijka Dowladda Cali Cosoble:

Suggida amniga iyo nabad galyada: dib u soo celinta iyo dhismaha awoodda ciidanka, diyaarinta ciidamo tayo leh oo AMISOM kala wareegga amniga gobolka.

Dhismaha Maamulka iyo hirgelinta federaalka: dhismaha maamul dowlad goboleed oo federal ah oo casri ah oo gaarsiisan ilaa heer tuulo, isla markaana ay u dhameystiran yihiin xafiisyada lagama maarmaan-ka u ah ee u adeeggida bulshada iyo deegaanka.

Dib u habeynta gobollada iyo degmooyinka gobolka: si wax looga qabto, loona xalliyo cabashada dadk, waxaa uu ballan-qaaday sameynta maamullo iyo degmooyin cusub.

Saldhigga dowladda: Qur’aanka, Sunnada, Shuruuc iyo kala dambeyn.

Hirgelinta Cadaaladda iyo Sare u Qaadista Nolosha: in Cadaalada laga sameeyo shaqo qorsita, Xil magacaabidda, dalacsiinta shaqaalaha iyo ciidamada, ilaalinta hantida umadda, qan-daraas bixinta, ciqaabidadda dambiilaha, hor-u-marinta degmooyinka iyo tuulooyinka, sare u qaadista heerka guud ee nolosha shacabka, hoe-u-marinta iyo wax u qabashada dadka reer miyiga ah, taakuleynta dadka cuuryaamiinta ah, saboolka iyo agoomaha, ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Waxaa kaloo uu sheegay in uu horgelin doono nidaam garsoor oo waafaqsan shareecada Islaamka, si dadka u helaan cadaalada ay ku qanacsan yihiin oo ah garsoorka Islaamka.

Dhismo gole culimaa’udiin uu gobolka yeelan doono, waxaa la sameyn doonaa wacyi gelin iyo dhaqan celinta dadka deegaankaas ku nool.

Isu dubaridka iyo Kobcinta Dhaqaalaha: hirgelinta nidaam dhaqaale oo bila nidaamka dowladeed oo lagu heshiiyay, shareecada Islaamka ayaa xagi doonto nidaamka dhaqaale ee dowladda, si loo gaaro hor-u-mar dhaqaale oo ku dhisan cadaaladda ilaahey, isla markaana dhaqaalaha loo maamulo sida diinta Islaamka ay qabto, ilaahna uu raalli ka yahay.

Dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka Bulshada: waa ballan-qaad kale uu sameeyay,

Hor-u-marinta Haweenka: arrintaas oo ka timid in ay yihiin kala u bar bulshada iyo in ay kaalin ku leeyihiin hor-u-mar walba.

Hor-u-marinta Waxbarashada: waddan aan waxbarasho laheyn ma hormaro, waxaa uu sheegay in uu wax ka qaban doono waxbarashada.

Sare u qaadista Caafimaadka: qof walba oo gobolka ku nool sidii u heli lahaa caafimaad in laga shaqeeyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook