opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Aqri Galmudug oo Shaacisay in Dagaal Sadex Geesood ah lagu soo qaaday

galmudug
FacebookTwitterGoogle+Share

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa in dagaallo abaabulan oo sadex geesood ah oo kakala soconaya deegaanada Gaalkacyo, Miracowleed iyo Godinlabe ee kakala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Dagaaladaas abaabulan waxaa nagu soo qaaday oo isku bahaysanaya Maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, ujeedaduna ay tahay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka Galmudug, dagaaladaas waxay kusoo aadayaan iyadoo ay si habsami leh dadka ree Galmudug ay ugu hawlan yihiin hirgalinta hannaanka Doorashooyinka Qaran.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka usheegeynaa in Dowlad Goboleedka Galmudug ay tahay maamul nabadeed muddo dheerna baadi goobayey nabad iyo dib uheshiisiin dhexmarta Maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, si deegaanku unoqdo mid kunoolaada nabad, xasilooni iyo daris wanaag, laakiin waxaa ayaan darro ah in Dowlad Goboleedka Galmudug aan laga hoos qaadin wanaagga ay markasta muujinayaan, dhinacyadaasna ay dhagaha ka fureysteen baaqyada nabadeed ee Galmudug had iyo jeer soo jeedinayso.

Hadaba, waxaan kubaaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaadahaas qaawan ee ay wadaan maamulka Puntland iyo kooxda Sufo, shacabka walaaha ahna laga daayo dhibaatada iyo barakaca.

war-saxa1_-640x425

war-saxa2_-640x396

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook