opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Baarlamaanka Uruguay oo abaal marin siiyey daafaca Diego Godin+ Sababta

godin
FacebookTwitterGoogle+Share

Aqalka Baarlamaanka Dalka Koofurta America ku yaala ee Uruguay ayaa abaal-marrin guddoonsiiyey shakhsiyaadkii ugu taariikhda qurxoonaa ee soo mara xulka Qaranka kubadda cagta dalkaasi isla Markaana Hor u marka Garsiiyey dalkaas.

Abaal-gudkan oo lagu magacaabo ‘Premio Jose Nasazzi-Obdulio Varela’ ayaa loogu magac daray Kabtannaddii hore ee xulka Uruguay ee ku guuleystay koobabkii adduun ee 1930 iyo 1950.

Godin, oo 30 jir ah, difaacana uga ciyaara Atletico Madrid ayaa si diirran uga guddoomay abaal-marrintan Baarlamaanka dalkiisa, waxaana uu yidhi “Anniga ahaan sharaf weyn bay ii tahay inaan abaal-marrintan idinka guddoomo hadalkiiyoo kooban”.

“Tanni waxay sii xoojineysaa daacadnimadeyda iyo mas’uuliyadayda dhinaca saaxibadeyda aan isku xulka nahay, kubadda cagta, bulshadda iyo carruurtayda kuwaas oo ah mustaqbalka waddankayga” ayuu sii raaciyey Kabtan Godin.

Nasazzi iyo Varela ayaa taariikh ku leh Waddanka Uruguay maadaama iyaga oo kabtanno ah dalkooda u horseedeen guushii koobabkii adduunka 1930 iyo 1950.

Godin waxaa kulankiisii ugu horeeyay uu u ciyaaray Uruguay sannadkii 2005-tii, waxaana uu u saftay 101-kulan wixii wakhtigaas ka dambeeyay isagoo qeyb ka ahaa xulkii ku guuleystay Copa America 2011, isla markaana kaalinta 4-aad ka galay Koobkii Adduunka 2010 ee South Africa.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook