opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Baarlamanka Maamulka Hirshabelle oo Gudoon KMG ah doortay

hirshabeele
FacebookTwitterGoogle+Share

Waxaa saaka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ka dhacay kulankii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadeen Baarlamanka maamulka Hirshabelle, kaasoo shalay lagu dhaariyey magaaladaas.

Xildhibaanada Baarlamanka Hirshabelle ayaa ugu horeyn shir gudoon KMG ah iska dhex doortay, waxaana guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka Hirshabelle loo doortay Maxamuud Siyaad Barkhadle.

Xildhibaanka ugu da’da weyn oo dhashay 1948 laguna magacaabo Cabdi Xuseen Geedi ayaa sida sharciga ah noqon lahaa gudomiyaha KMG ah ee baarlamanka Hirshabelle hase ahaatee waa iska diiday inuu xilkaas qabto isagoo sheegay in uu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, Waxaa sidaa awgeed loo doortay inuu shir guddoomiye noqdo ninka da’ahaan ugu dhow oo ahaa Maxamed Siyaad Barqadle oo dhashay 1949kii.

Waxaa sidoo kale kulankaas lagu magacaabay guddi ka shaqeeya doorashada gudoonka rasmiga ah ee baarlamanka maamulkaas oo la dooran doono 12-ka bishan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sii qulqulaya musharaxiin, Siyaasiyiin iyo qeybo kale oo ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana qaarkood uu damac kaga jiraa iney xilal ka qabtaan maamulkan cusub.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook