opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Bandow lagusoo rogay magaalada Mandera

lates2
FacebookTwitterGoogle+Share

Dwladda Kenya ayaa wixii ka billowdo maanta oo Khamiis ah bandow habeenkii ah ku soo rogtay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasoo ay dhawaan ka dhaceen weerarro lagu laayay dad rayid ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadweynaha Mandera ku wargelisay inaysan guryahooda ka soo bixin laga billaabo 6.30 makhribnimo ilaa iyo 6.30 aroornimo.

Dowladda ayaa sheegtay in bandowgaasi uu socon doono ilaa iyo dhammaadka bisha December.

Dabley hubeysan ayaa Talaadadii weerartay huteel ku yaalla Manadera waxaana ku dhimatay 12 qof.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaaasi, balse mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku gacan seyray sheegashadasi waxyna ku dooday in laga yaabo inay weerarkaasi ay gaysteen “burcad deegaanka Mandera ka soo jeeda”

Hal qof oo ka shaqeynayay huteelka oo lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarkaasi oo uu gacan siiyay dableyda ayaa la xiray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook