opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Barcelona Oo Guul Fudud Ka Gaartay Dhigeeda Man City Iyo Natiijooyinka Ciyaarihii Kale+Sawiro

3
FacebookTwitterGoogle+Share

Kooxda kubada cagta wadanka Spain ee Barcelona ayaa guul xarago badan ka gaadhay dhigeeda Manchester City ee dalka ingiriiska.

Kooxda Barcelona oo ciyaar ka tirsan horyaalka kooxaha Yurub ee Champion Leage ku marti galisay garoonkeeda dhigeeda Man City ayaa si fudud uga gaadhay guul aanay ku hawshoon ka dib markii ay ku har qisay goolal badan iyo kubad qurux badan.

Xidiga kooxda Barcelona ee Leo Messi ayaa furay goolasha ay ku miiseen Man City kaas oo daqiiqadii 17aad ka

dhaliyey gool aad u qurux badan oo uu xataa si fudud u dhaafay gool haye Bravo, iyada oo qaybta hore ee ciyaartuna ku soo dhamaatay hal iyo waxga ay ku hogaaminayso Barcelona.

Markii laysku soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Barcelona waxa u suura gashay inay sii wadaan weerarka ay ku hayeen goolka kooxda Man City taas oo daqiiqadii 61aad ciyaaryahanka Leo Messi u suura gashay inuu mar kale ka dhaliyo goolka labaad, halka uu daqiiqadii 67aad uu ka dhaliyey goolka sadexaad.

Kooxda Man City oo u muuqatay inay isku dhex daadatay ayaa xanaaqad ku gashay Leo Messi kaas oo sababay in loo dhigo gool ku laad toos ah(Rikoodhe), balse waxa khasaariyey ciyaaryahanka Neymar, balse daqiiqadihii ugu danbeeyey ciyaarta ayaa ciyaaryahanka Neymar iska maydhay goolkii uu cunay waxaanu dhaliyey gool aad u qurux badan oo ay si wanaagsan uga wada shaqeeyeen Leo Messi, waxaanay ciyaartii ku soo dhamaatay afar gool iyo waxba ay guushu ku raacday kooxda Barcelona.

labada kooxood ee Barcelona iyo Man City ayaa waxa kaadhka guduudan ee casaanka ka qaatay laba ciyaartoy oo ka kala tirsan labada kooxood, kooxda Man City waxa kaadha casaanka loo taagay gool Haye Bravo oo dhawr khalad oo isku xiga galay halka kooxda Barcelona kaadhka casaannka loo taagay difaacyahanka Mathiu oo khalad ku galay weerar yahanka Sterling.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook