opinion

somali links

somali links

FacebookTwitterGoogle+Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Bayaan kasoo baxay Jaaliyada Beesha Meheri ee Norway.

baaq-iyo-cambaareyn-414x300
FacebookTwitterGoogle+Share

Bayaan kasoo baxay Jaaliyada Beesha Meheri ee Norway.

Beelaha meheri oo warsaxaafadeed ay ku qaadacday magacaabista uu magacabay Madaxweynaha  Puntland Abdiweli Gass Garowe ee ku aadanayd Golaha Sare Oktober 9 2016 oo aan ku raacnay  Go,aanka ay qaadatay Guud ahaan Beesha Meheri.

Ujeeddo: Qaadacaad Magacabistii Golaha sare ee  ee ku dhawaaqay C/wali gaas – Garowe  08/10/2016

Annagoo ah Nabaddoonnada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, siyaasiyiinta,Dhalinyarada iyo ganacsatada beelaha Meheri waxaan halkan ka soo jeedinaynaa mawqifka iyo bareeraha beesha ee ku aaddan Magacabistii Gollaha sare.

1) Beesha in xubnahii ay ku lahayd Golaha sare laga weeciyay  waxaan u aragnaa damac xumo iyo sadbursi

2) Madaxda Sare  ayaa nasiib darro si baal-marsan sooyaalkii awoodqaybsiga Soomaaliyeed beelahan ugu eexday inuu ugu sadburiyo xubinta beelaha Meheri siiyana beelo kale.
Sidaa darteed isimka Madaxwayne Gaas waan ku canbaaraynaynaa khaladka uu Beesha ka galay waana ka xunahay gartaas weecsan iyo guddoonkaas cadaalad darrada ku salaysan, waxaanna ugu baaqaynaa inuu raalli gelin degdeg ah ka bixiyo gafkaas uu Beesha u geystay iyadoo weliba horayna loo duudsiiyay xildhibaanadii ay ku lahayeen Nugaal iyo Bari ee Puntland.

3) Beeshu waxay ogaysiinaysaa dawladda federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedka Puntland, guddiga doorashada dadban ee heer fedraal iyo heer Puntland iyo guddiyada xallinta khilaafaadka ee heer fedraal iyo heer Puntland in beelaha carab Saalax  xubnahoodi ay leeyihiin aysan ka tanaasulin, ciddii si khaldan uga weecisayna ay Canbaraynayaan guddiyada Heer Federal iyo Heer Dawlad Goboleed  waxaan ugu baaqayna in ay  go’aan  ka qaataan sidii  ay beeshu u helilahayd  xubnahii ay ku lahayeen Golaha Sare.

4) Beelaha Meheri oo had iyo goor u taagnayd ilaalinta midnimada iyo wadajirka beelaha Soomaaliyeed waxay caddeyneysaa wixii ka dhasha go’aannada dulmiga ku dhisan ay masuuliyaddiisa qaadayaan ciddii ka dambaysay, annagoo rajaynayna in lagu dhammeeyo cadaalad iyo xaqsoor.

5)Beesha Meheri oo Maamulka Puntland ka  tirsanaysa Cadaalad daro , waxay beelahu ogaysiinayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan tan reer Puntland inay kalsoonidii kala noqotay Dawlada C/wali Gaas

Bayaankan waxaa soo saray Nabadoonada, Waxgaradka dhalinyarada, Jaaliyadaha dibada iyo dhamaan qaybaha bulsha beelaha Carab Saalax.

Wabillaahi Towfiiq.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook